Yaman oo qabatay Sarkaal Al Qaacida ka tirsan oo katagay Soomaaliya

maalik_eng October 19, 2012 Comments Off

 

 

 

 

 

 

 

 

Sanca–(Sh.M.Network)—dowladda Yaman ayaa waxa ay gacanta ku dhigtay hogaamiye sare oo katirsan Ururka Al Qaacida kana soo dagaalamay gudaha dalka Soomaaliya.

Ilaha ammaanka Gobolka Xadramuut ee dalka Yaman ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al Qaacida islamarkaana ka mid ahaa xubnaha ururka Al Qaacida ee ku jira liiska la doon doonayo xilli uu kasoo baqoolay Soomaaliya.

Ninkaan ayaa Saraakiisha ammanka ee dowladda Yaman waxa ay sheegayan in ay ku soo qabteen isagoo saaran dooni mareysay dekadda looyaqaano dabbah ee kutaalla  Gobolka Xadramuut taasoo larumeysanyahay sida saraakiishu sheegeen in uu kaga yimid dalka Soomaaliya.

Hayeeshee ilahaan katirsan hey’adaha ammaanka ku shuqulka leh ee dowladda Yaman ayaan xusin Magaca Sarkaalkaan la sheegay in uu katirsanyahay Ururka Al Qaacida iyo in soo qabashadiisa ay kutimid iskaashi sirdoonka Mareekanka iyo dowladda yaman dhexmaray amaba ay yaman kaliya qaaday tallaabadaasi

Comments are closed.

Facebook

Twitter