Yaman oo beenisay in ay gacan kageesatay howl gal lagu soo furtay laheestayaal u’afduubnaa Burcad badeeda

maalik_som December 31, 2012 Comments Off

Sanca(Sh.M.Network)—Dowladda Yaman ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in waxa gacana aaney ka geysan Howl galkii dhawaan ay Ciidamada Maamulka Puntland ku soo furteen Shaqaalo saaraa Markab u’afduubnaa Burcad Badeeda Soomaalida kuwaas oo gaarayay 22 Badmaax oo 8 ka mida ay ahaayeen Yamaniyiin.

Xukuumadda Sanca ayaa xustay in Howl galkaasi ay qaadeen Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland kaasi oo ay sheegeen in uu ahaa howl gal halyeeynimo si Hufnaan iyo geesinimo ay ku dheehantahay ay uga soo Furteen burcad badeeda dadkaasi gacanta ugu Jiray.

Hadalka dowladda Yaman ayaa yimid xilli dhawaan Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ay shaaciyeen inaanu Jirin Cid Gacan ku siisay howl galkoodii ay ku soo Futeen Markab iyo shaqaalo saaraa oo iyagu ka soo kala Jeeday dalal dhowr ah

22 ka Badmaax ee burcad badeeda laga soo furtay tan iyi bishii Marso 2010 waxa ay u’afduubnaayeen Burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo ay ku heesteen Xeebta Garacad ee Maamulka Puntland

Comments are closed.

Facebook

Twitter