Xukuumadda: Wariye Koronto warar Been abuur ah ayuu baahiyay

maalik_som January 31, 2013 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M.NetworkMark)Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Cabdullaahi Abyan Nuur oo Warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu ka hadlay Xarigga Wariye Cabdi Casiis Koronto.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Wariyaha Xiran uu sameeyay Been abuur Xaqiiqda Ka fog isagoona Tilmaamay in dacwadiisu ay qaadayaan Goorsoorayaal Gaaraya illaa Seddex Garsoore oo Wasaaraddu u Xil saartay qaadista dacwaddiisa.

Cabdullaahi Abyan Nuur Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in qareenada u doodaya Wariyaha  ay ka codsadeen in Muddo Labo Maalin ah dib loo dhigo dacwadda Wariye Cabdi Casiis Koronto.

Wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa Loo heestaa  Warar la sheegay in ay yihiin kuwa Been abuur ah oo uu ka fidiyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay Kufsi kula dhaqaaqeen Haween Soomaaliyeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter