Muqdisho (Sh.M.Network)—Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada dowladda federaalka ay billaabayaan Howl Gallo lagula dagaalamayo Al Shabaab.
Cabdi Xakiin xaaji Max’ud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka go’antahay ka sifeynta Ururka Al Shabaab deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka Galgaduud sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa Ahmiyadda dowladda Federaalka waxa uu ku qeexay in ay tahay ladagaalanka AL Shabaab si loo xaqiijiyo Ammaanka Gobollada dalka.
Mr Fiqi waxa uu dhanka kale hoosta ka xariiqay in aysan Joogsan doonin dagaalada ay dowladda kula jirto Ururka Al Shabaab kaasoo dowladdu ay dooneyso in ay kaga sifeyso Gobollada dalka.
Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay ciidamada dowladda oo garab ka helaya AMISOM ay dagaal xoogan kula Jiraan Ururka Al Shabaab oo weli ku sugan qaar ka mid ah deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobollada dalka.























Comments are closed.