Kismaayo (Sh.M. Network)— Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay in maxakamadda gobolka Banaadir in si musuqmaasuq iyo cadaalad daro ah ay u wado dacwad qaadista wariye C/casiis Koronto.
Xasan Maxamed Jimcaale wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay dacwada ay qaadayso Maxkamadda gobolka, waxana uu beeniyay wasiirka in si cadaalad daro ah ay u socoto dacwada koronto.
Wasiir Ku-xigeenka Cadaalada iyo Garsoorka ayaa tilmaamay in wax lagu xumaado ay tahay in arrinkaasi oo kala lagu tilmaamo Maxkmadda waxaana uu xusay in Maxkamaddu ay sidii loogu talagalay ay u wado howsha ay hada heyso.
Dhanka kale Xasan Maxamed Jimcaale wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ayaa carabka ku dhuftay in wasaaradiisa ay ka cirgalisay Maxkamado goobihii laga lawareegay Al Shabaab islamarkaana ay dadka halkaasi ku dhaqan helayaan cadaalad sharciga waafaqsan.
Hadalka Wasaaradda ka soo baxay ayaa imaanaya xilli Dhageysiga dacwada Wariye Koronto oo la doonayo in rafaan looga qaado xukun lagu riday ay shalay ka furantay magaalada Muqdisho inkastoo hadana dib loo dhigay.
Sh.M.Network























Comments are closed.