Xukuumadda: Hala gar-gaaro dadka ay waxyeeleeyeen Eeyeha

maalik_som August 26, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqday in wax laga qabto Xaaladda Caafimaad dad dhawaan uu Eeyo Raabiyo qaba ku qaniinay degaanka Buulo-Mareer ee gobolka Sh/hoose.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed Cumar Max’ud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ugu baaqay Hay’adaha Caafimaadka in gurmad Caafimaad oo deg deg ah ay lasoo gaaraan Dadkii dhawaan Eeyo qaba Cudurka Raabiyada ay ku qaniineen Deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Sh/hoose.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Xaaladda dadkaasi ay ku sugan yihiin ay tahay mid aad u liidata, isagoo tilmaamay in looga baahan yahay Hay’adaha in ay la tacaalaan xaaladda Caafimaad darro oo ay ku sugan yihiin dadkii ay qaniineen eeyaha qaba cudurka Raabiyada.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii eeyo qaba cudurka Raabiyada ay ku qaniineen deegaanka Buulo Mareer  ku dhawaad 50 Ruux oo isugu jiray Caruur haween dhalinyaro iyo dad da’ ah kuwaasi oo loo soo kala qaaday Magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Marka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter