Xukuumadda: Dowladda Awoodeeda waxa ay isugu Geyneysaa Ka shaqeynta Nabad Gelyada

maalik_som March 6, 2013 Comments Off

Caabudwaaq (Sh.M.Network)—Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cadbi Kariin Xuseen Guuleed oo boqolaal dadweyna ah kula hadlayay Magaalada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dowladda awoodeeda ugu badan ay isugu geyneyso ka shaqeynta Nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Wasiirka ayaa xusay in dowladda Soomaaliya Xoogga ay saareyso dib u heshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed oo muddo 20 sano ah ku jiray bur bur iyo dhibaatooyin isagoona intaa sii raaciyay in sidoo kale dowladdu ay soo celineyso Horumarkii dalka sida Xarumihii waxbarasho iyo Kuwii Caafimaad ee dalka uu bur burku saameeyay.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi oo isna lahadlay Shacabka Magaalada Caabud Waaq ayaa ku amaanay sida ay u jecelyihiin Horumarka iyo dowladnimada isagoona Carabka ku dhuftay in dowladda Muhiimad Gaar ah ay siineyso Shacabka Magaalada Caabud  Waaq.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay safarro ku marayay deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya iyagoona halkaasi kula kulmayay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Deegaanadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter