Garbahaarey (Sh.M. Network)— Xubno ka socda gudigga farsamada ee Maamul u sameynta gobolada Jubooyinka ayaa gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo, halkaas oo la sheegayo in lagu wado in shir looga soo horjeedo kan Kismaayo uu ka furmo 25-ka Bishan.
Xubnahan oo ka anbabaxay Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa halkaasi u tagay sidii ay ula kulmi lahaayeen siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta gobolkaasi, kuwaasi oo siweyn uga soo horjeedo shirk aka furmidoono Juboyinka.
Shakhsiyaadka hogaaminaya wafdiga kasocda gudigga Farasamda ayaa waxaa kamid ah Owlibaax, Fartaag iyo sidoo kale Nin Magaciisa lagu sheegay Bile Cabdille, waxaana la tilmaamayaa in ay maanta la kulmayaan Mas’uuliyiinta gobolka ee halkaasi ku sugan.
Shalay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa laga celiyay Diyaarad dooneysay in ay u amba baxdo dhanka Doolow si ay wafdigaasi u gaarsiiso Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.
Wali wax war ah kama soo bixin Mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo, hase ahaatee kulanka maanta ee labada dhinac dhexmari doona ayaa la filayaa in ay ka soobixidoonto labo midood oo kala ah in ay diidaan ama ogolaadaan in ay ka qeybgalaan Shirka ka furmi doona Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.
Sh.M.Network























Comments are closed.