Xoghayaha Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo gaaray Muqdisho+Sawirro

maalik_som October 8, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)—Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Ikmaalu-diin Ixsaan Oogle oo maanta soo gaaray gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo uu kaga warbixiyay u jeedka safarkiisa. 

Mr. Oogle ayaa waxa uu sheegay in uu si wayn ugu faraxsan yahay in uu isbadal ka dhaco dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Ururka Iskaashiga Islaamka uu si weyn usoo dhaweynayo hormarka dhanka siyaasadda ah ee ay ku talaabsanayso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.

Xoghayaha ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud uu ku amaanayo qaabkii uu usoo xulay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu sheegay in isna dhankiisa laga doonayo in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo la dagaalanta faqriga iyo gaajada. 

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu xususta in uu doormuhiim ah ka cayaaray samata bixinta Shacabka Soomaaliyeed xilligii ay gobolada Koofureed ku dhufteen abaarihii baahsanaa ee galaafsaday Nolosha kumanaan Kun oo Soomaali ah.

Wariye C/risaaq Aadan Qoslaaye

Comments are closed.

Facebook

Twitter