Muqdisho (Sh.M.Network)—Gudoomiyaha Xisbiga Sahan Qaran Axmed Salaad ow aadan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu camaabaray Weerarakii wuxuushnimada ahaa ee damiir laawaiyaal aan damqan ay ku dhaawaceen weriye maxamed maxamuud tuuryare habeenkii axada ee 21 bishan gudaha Degmada wadjir.
Axmed Salaad ayaa waxa uu tilmaamay inuu si aad ah uga xuntahay falkaasi gurracan, isagoona ku eedeeyay dowada Somalia inay k agaabisay wax ka qabashada falalka noocan oo kale ee lagula kacao saxafiyiinta aan waxba galabsan ee ka howlgala magaalada muqdisho.
Gudoomiyaha Xisbiga Sahan Qaran Axmed Salaad ow Aadan ayaa ugu danbayn waxa uu ku baaqay in golaha wasiirada ee dhowaan lasoo dhisayo inay noqdaan kuwa metala shacabka islamarkaana waxa ka qabana kara xaalada uu dalka haatan ku jiro.
Dhinaca kale maxamed ibraahim (Pakistan) oo ah xoghayaha guud ee ururka NUSOJ ayaa isna waxa uu cambaareeyay weerarkii ay kooxaha hubaysan ku dhaawaceen weriye maxamed maxamuud tuuryare.
Ugu danbaytii Xogyahaya ayaa ugu baaqay dowlada Somalia inay cadaalada horkeento kuwa weerarkaasi ka danbeeyay.
Dalka soomaaliya ayaa sanadakan oo kaliya waxaa lagu dilay weriyaal gaaraya 15 halka 20 kalena lagu dhaawacay, waxaana ilaa hadda jirin cid loo soo qabtay dilaalka joogtada ah ee lagu hayo weriyaasha soomaaliyeed.



















Comments are closed.