Xisbiga Dadka oo soo dhaweeyay Ansixinta R/wasaare Saacid

maalik_som October 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) —   Xisbiga Dadka ayaa si diiran usoo dhaweeyay ansixinta R/wasaaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale Xisbiga uu si kulul u eedeeyay Ciidamada Kenya. 

Guddoomiyaha Xisbiga dadka Prof. Ciise Max’ud oo ka hadlayay Barnaamijka Diiradda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in uu si aad ah usoo dhaweynayo Ansixinta R/wasaaraha Soomaaliya ee Mudane Cabdi Faarax Shirdoon, isagoo sheegay in Xildhibaanada ay si toos ah cagta u saareen wadadii is badalka aheyd. 

Prof. Ciise Max’ud ayaa waxa uu sheegay in wax badan uu ka yaqaano R/wasaare Saacid islamarkaana uu yahay qof mar waliba ku dhex jiro bulshada, necebna kala go’go, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in si wadajir ah loola shaqeeyo Dowladdaani cusub sida uu hadalka u dhigay. 

Mar uu ka hadlayay Xaaladda gobolada Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Dadka in Kenya ay si cad ugu soo duushay Soomaaliya, iyadoo ku mar marsiyoonaysa howlgalka AMISOM, wuxuuna carabka ku dhuftay in lagama maarmaan ay tahay in Kenya lagala hadlo dhibaatooyinka ay ka wadaan Jubbooyinka. 

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay 215-Xildhibaan oo goobjoog ku ahaa fadhiga barlamanka ay ansixiyeen R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo la horgeeyay barlamanka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter