Muqdisho: (Sh. M. Network) Mudanayaal ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaanadaani oo ka tirsan barlamanka cusub ee Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay dhamaantooda si isku mid ah usoo dhaweeyeen is badalka cusub ee xalay ka dhacay dalka Soomaaliya iyo Xilka Madaxtinimo oo uu ku guuleystay Mudane Xasan Sheekh Max’ud.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa waxa ay kula dar daarmeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud inay wax badan uu ka qabto dalka Soomaaliya islamarkaana waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha cusub ay horyallaan howlo adag.
Sheekh Xasan Sheekh Max’ud oo ah Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya islamarkaana hoggaamin doona dalka 4-ta sano ee socota ayaa xalay si rasmi ah kaga guuleystay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaddib Doorasho saacado badan qaadatay oo ka dhacday Dugsiga Tababarka ee Jeneral Kaahiya ee magaalada Muqdisho.























Comments are closed.