Muqdisho: (Sh.M.Network)— Kullankaani oo ay maanta Magaalada Muqdisho ku yesheen Xildhibaano kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa waxa ay kaga hadleen Maamul u sameynta gobolada Jubbooyinaka, waxaana ay Dowladda Kenya ku eedeeyeen inay faro gallin qaawan ku hayso Maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.
Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka oo ka hadlay kullanka ayaa waxa uu sheegay in Kenya ay waddo faro gallin dhinaca Maamul u sameynta ah ee Jubbooyinka, isagoo xusay inay abaabulayso Jabhado taageero u ah Dowladda Kenya, Soomaaliyana ay kasoo daashay dhibaatada ay leedahay Jabhadeynta sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Aadan Ibi oo ka mid ah Mudanayasaha barlamanka oo maanta qeyb ka ahaa kullanka ayaa waxa uu sheegay in Maamul u sameynta gobolada dalka Soomaaliya ay xaq u leedahay Dowladda Soomaaliya, islamarkaana cid kale aan laga aqbali doonin in Maamul ay u sameyso gobolada Jubbooyinka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Xildhibaaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya ay eedeymo u jeediyaan Dowladda Kenya taasi oo ku aaddan Maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka, waxaana ay kaga digeen in Kenya arrimahaasi ay isku howsho, taasi oo ay tibaaxeen inay ka dhalankarto cawaaqib xumo.























Comments are closed.