Muqdisho: (Sh. M. Network) Xilli maalmihii dambe ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in Kenya ay Shidaal qodis ka waddo meelo badan oo ka mid ah gobolada Jubbooyinka ee Soomaaliya ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Xildhibaanadii hore ee barlamanka Dowladda KMG Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse Ciirro oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Kumeel-gaarka ah oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada cusub ka hor inta aysan dooran Guddoomiye barlaman inay ka hadlaan shidaal qodista Dowladda Kenya ay ka waddo gobolada Jubbooyinka.
Daahir C/qaadir ayaa waxa uu ku booriyay Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya in tallaabo cad ay ka qaadaan Dowladda Kenya, islamarkaana ay kala hadlaan sidii si deg deg ah ay u joojin laheyd faro gallinta ku aaddan Ceel qodista shidaal ee gobolada dalka.
Waxa uu ugu baqay shacabka Soomaaliyeed inay hal meel kaga soo horjeestaan arrintaani, isagoo barlamanka ku booriyay in wax badan ay ka fakaraan, maadaama dalka Soomaaliya uu yahay dal qani ah, isagoo carabka ku dhuftay in wixii ka yimaada Ceel qodistaan Mas’uuliyaddeeda ay dusha u ridan doonaan Ciddii wax ka ogeyd sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in Dowladda Kenya ay Ceel qodis shidaal ay ka waddo meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka oo ay ka joogaan Ciidamo badan oo la sheegay inay la dagaalamayaan Xarakada Al Shabaab.























Comments are closed.