Xildhibaano iyo Siyaasiyiin eedeeyay Dowladda Kenya

maalik_som October 4, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Kenya ay faraha kula jirto Siyaasadda gobolada Jubbooyinka iyo Maamul u sameynta goboladaasi. 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in Kenya looga baahan yahay inay ka digtoonaato waxa ay ka waddo gobolada Jubbooyinka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara, wuxuuna carabka ku dhuftay in Kenya lagama maarmaan ay tahay inay faraha kala baxdo Siyaasadda Jubbooyinka. 

Jeneral Yuusuf Cali Cagey oo ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa isagana waxa uu sheegay in u jeedka Kenya ee ay u timid Jubbooyinka ay tahay sidii ay halkaasi ugu qodan laheyd Ceelal shidaal.

Dowladda Kenya ayaa waxa ay Ciidamo ka joogaan gobolada Koofureed ee dalka Sooamaliya, iyagoo halkaasi kula dagaalamay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter