Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa cambaareeyay qaraxyadii shalay lagu weeraray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Xilli shalay Qarax Ismiidaamin ah lagu weeraray Hotel uu degan yahay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa qaraxaasi waxa cambaareeyay oo ka hadlay Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya.
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka mid ah barlamanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi ay aad u cambaareynayaan, isagoo tilmaamay in Umadda Soomaaliyeed aan waxaani looga barin, Madaxweynaha cusubna looga baahan yahay in uusan dhag jalaq usiin qaraxyada nuucaasi oo kale ah.
Sidoo kale Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Hay’adaha ammaanka iyo Ciidamada Booliska looga baahan yahay in la sugo ammaanka Madaxweynaha islamarkaana aysan mar kale soo laaban qaraxyadii shalay lagu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud oo isna ka hadlay qaraxaasi ayaa waxa uu sheegay inaysan dhag jalaq usiin doonin qaraxyadaasi islamarkaana ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.























Comments are closed.