MUQDISHO (Sh.M.Network)—Kadib markii xalay salaaddii Maqrib ka dib ay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Wariye Max’ed Max’uud Tuur yare oo ka mid ahaa shaqaalaha shabakadda warbaahinta Shabelle oo ay kooxahaasi ku doonayeen in ay ku qaarijiyaan wariyahaasi hase ahaatee uu ka badbaaday ayaa waxaa arintaasi cambaareeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cumar Max’uud oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ku tilmaamay falkaasi lagu qaarijin lahaa Wariye Max’ed Max’uud Tuur yare fal wuxuushnimo oo ay geysteen kooxo damiir laawayaal ah waxaana uu sheegay in aysan garan karin sababaha loo ugaarsanayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Isagoo ugu baaqay Wariyaasha ka howlgala gudaha dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho in ay udhabar adeegaan howsha adag ay uhayaan bulshada Soomaaliyeed waxaana uu dhinaca kale ugu baaqay hey’adaha ammaanka in aysan ku’ekaanin wax ayaa laga qabanayaa balse ay qaadaan tallaabo dhabar jab ku noqoto kooxo markale ku soo dhiirada falka ceynkaasi oo kala ah.
Xildhibaan Max’ed amiin oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday wariye Max’ed Max’uud Tuur yare isagoo tilmaamay in hey’adaha ammaaka ay masuuliyad ka saaranyahay wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi soo noq noqday ee lagu bartilmaamsanayo Bahweynta Saxaafadda Soomaaliyeed























Comments are closed.