Xildhibaanadii KMG ahaa oo eedeeyay Guddoonka sare ee barlamanka

maalik_som October 4, 2012 Comments Off

Nairobi (Sh.M.Network) — Xildhibaanadii hore ee barlamankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Guddoonka sare ee barlamanka hadda jira in uu ka gaabiyay wax u qabashada Xildhibaanadaasi, kaddib kullan ay ku yeesheen Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho. 

Xildhibaan Max’ud Cabdullaahi Wehliye Waqaa oo ka mid ah Mudanayaashii barlamanka KMG ahaa oo shalay ka hor hadalayay Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa waxa uu sheegay in la musuq maasuqay xaqii ay lahaayeen Xildhibaanadii hore. 

“ Waanala musuq maasuqay, Annaga waxaanu nahay Xildhibaanadii diiday in la iibasado badda, Xildhibaanadii usoo halgamay dalka, xilligii uu ku jiray Marxaladda xun, markii nagala dhacay Booskii aan xaqa u laheyn Guddoonka wuu naga gaabiyay inuu wax nooqabto” sidaasi waxa yiri Xildhibaan Waqaa.’ 

Sidoo kale Xildhibaanada Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah barlamankii Kumeel-gaarka ahaa oo ka hadashay kullanka ayaa waxa ay sheegtay in Guddoonka sare ee barlamanka uu yahay sharci yaqaan, loona baahan yahay in la dhowro xaqa ay leeyihiin Xildhibaanadii hore. 

Ugu dambeyn Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in wax waliba oo ay ka cabanayaan Xildhibaanadii Kumeel-gaarka ahaa la xalin doono, islamarkaana mar waliba lagama maarmaan ay tahay in la wada shaqeeyo. 

Comments are closed.

Facebook

Twitter