Xildhibaan Maareeye: Soomaaliland Midnimada ha qaadato

maalik_som January 31, 2013 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M.NetworkMark) Xildhibaan Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo lahadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ugu baaqay Maamulka Soomaaliland in ay sii wadaan wadahadallada ay kula Jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u noqdaan kuwa halmeel ka soo Jeeda islamarkaana Soomaali oo idil ay mid u noqdaan.

Maareeye ayaa Xusay in waqtigaan ay ku haboontahay in ay wada shaqeyn buuxda dhexmarto Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Xildhibaan Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo hadlkiisa Sii wata ayaa Rajo wanaagsan Ka muujiyay in Gobollada Koofureed oo muddo dhibaatooyin badan ay Ka jireen ay haatan Xaaladoodu soo wanaagsanaaneyso taasina ay Gaarsiisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shalay ayey ahayd Markii uu Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland uu sheegay in aysan aqoonsaneen aqoonsiga dowladda Mareekanka ay u Fidisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter