Muqdisho: (Sh.M.Network) — Mudane ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa ka digay dagaal beeleed ay Mas’uul ka yihiin Ururka Raaskambooni in uu ka qarxo gudaha Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose.
Xildhibaan Cabdullaahi Max’ed Aadan (Shaacir) oo ka mid ah Munayaasha barlamanka Federalka Soomaaliya, kana soo jeeda gobolada Jubbooyinka oo la hadlay Radio Shabelle ayaa waxa uu ka digay dagaal beeleed qasaaro gaysta oo ka dhaca gudaha Magaalada Kismaayo.
Mudane Shaacir ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada Ururka Raaskambooni ay dilal qorsheysan ka fuliyaan gudaha Magaalada Kismaayo, iyagoo doonaya inay iska horkeenaan beelaha walaalaha ah ee dega gobolkaasi, isagoo tusaale usoo qaatay in shalay gallinkii dambe ay nin rayid ah ku dileen gudaha Magaaladaasi.
Xildhibaan Cabdullaahi Max’ed Aadan ayaa waxa uu intaasi ku daray in haddii aan la joojin dilalkaasi qorsheysan oo sida uu sheegay ay gaysanayaan Ciidamada Ururka Raaskambooni la iska horimaan doono, isagoo Madaxda Dowladda ka codsaday in tallaabo cad ay ka qaadaan falalkii u dambeeyay oo ay gaysteen Ciidamadaasi.
“ Waa la iska horimaan doonaa haddii arrinta ay sidaan kusii socoto, waxaana Mas’uul ka noqon doona Ciidamada Ururka Raaskambooni, maka waa in wax laga qabtaa oo lagula xisaabtamaa Ciidamada halkaasi jooga dhibaatada dhacaysa”sidaasi waxa yiri Xildhibaan Shaacir.
Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ka dhacay dilal kala duwan, iyadoo aan la ogeyn sida ay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi ay go’aan kaga qaadan karaan dilalkaasi.























Comments are closed.