Xildhibaan Jeesow: Maamul u sameynta degmooyinka dalka dowladda Shacabka hakala tashato

maalik_som February 3, 2013 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M.Network) Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho  ayaa Wasaaradda arrimaha Gudaha ka codsaday in Maamulada ay u sameyneyso gobollada dalka in ay  kala tashato dadka deggan deegaanada iyo degmooyinka ay Maamulada u sameyneyso.

Xildhibaanka aya Xusay in laga Gudbay Xilligi KMG ahaa Loona Gudbay dowlad Federaal ah dowladdana Looga baahanyahay in ay tixgaliso Rabitaanka Shacabka si aysan u dhicisoobin Maamulada ay u sameyneyso  Gobollada dalka.

Xildhibaan Daahir AMiin Jeesow ayaa Ugu dambeyntii Wasaaradda ugu baaqay in si deg deg ah ay U Magacaawdo Maamul u sameynta Gobollada Laga Xoreeyay AL Shabaab ee Soogalay Gacanta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maalintii shalay ahayd ayaa Muqdisho waxaa Kulan Ku yeeshay Golaha Wasiirada Soomaaliya kuwaasi oo ansixiyay in Wasaaradda arrimaha Gudaha ay Maamullo u sameyso deegaanada iyo degmooyinka dalka ay dowladdu Ka arimiso.

Comments are closed.

Facebook

Twitter