Xildhibaan Jeesoow: Ururka Raaskambooni halaga saaro Kismaayo

maalik_som October 8, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) —   Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudane ka tirsan barlamanka Federalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu dowladda ugu baaqay in Kismaayo  laga saaro Ururka Raaskamabooni, isagoo taasi ku micneeyay in Ururkaasi ay yihiin kuwa Jabhad ah. 

Jeesoow ayaa waxa uu sheegay in waxa Kismaayo  marka hore laga saaray ay ahaayeen Jabhad islamarkaana aysan suuro gal noqon doonin in Jabhad kale ay qabsato Magaalada sida uu hadalka u dhigay.

Dhibaatooyinka halkaasi ka dhaca ayaa waxa uu dusha kaga tuuray inay Mas’uul ka yihiin Ciidamada Ururka Raaskamabooni oo uu hor koco Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), isagoo xusay in tallaabo waliba oo ay qaadaan Jabhaddaasi daba gal lagu sameweyo. 

“ Waxa Kismaayo marka hore laga saaray waa Jabhad, marka Jabhad meel kama talin karto, dhibaatada waa in wax laga qbataa” ayuu yiri Mudane Daahir Amiin Jeesoow. 

Shalay ayay aheyd markii Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dhaca ka geysteen gudaha Magaaladaasi, iyadoo arrintaasi ay cambaareeyeen dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu dhacay gudaha Magaaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter