Xildhibaan Dhalxa oo ku baaqay in la gar gaaro Somalida ku dhiban Syria

maalik_som October 3, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)   Prof. Max’ed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaabanada barlamanka Soomaaliya oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dad badan oo Soomaali ah ay ku dhibaateysan yihiin dalka Syria tan iyo markii ay dagaalada ka bilowdeen gudaha dalkaasi. 

Xildhibaankaani ayaa ugu baaqay Hay’daha samafalka inay wax u qabtaan Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku sugan dalka Syria islamarkaana laga soo samata bixiyo goobaha dagaalada ay ka socdaan oo ay ku go’doonsan yihiin dadkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba waxaan shaki ku jirin in dalka Syria ay ku sugan yihiin Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo qaarkood halkaasi ka baranayay Jaamacado, waxaana tan iyo markii ay qarxeen dagaalada Syria cirka isku sii shareerayay dhibaatooyinka soo wajahaya Dadkaasi.  

Comments are closed.

Facebook

Twitter