Muqdisho: (Sh. M. Network) Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee dhinaca ammaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in goobaha Doorashooyinka ka dhacayso ammaankeeda uu yahay mid guud ahaan la adkeeyay.
Xildhibaan Jeesoow ayaa waxa uu tilmaamay in sanad ka hor Xarunta Madaxtooyada ay Xabado soo gaari jireen marka loo fiiriyo dhinaca ammaanka, hase ahaatee, haatan amniga uu si wayn wax isaga badalay, isagoo xusay in wax lagu farxo ay tahay horumarka dhinaca ammaanka ah ee lagu tallaabsaday.
Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa waxa uu sheegay in Laamaha ammaanka ay kullamo kala qaateen arrimo la xiriira dhinaca ammaanka, islamarkaana ay isku afgarteen sidii ay isaga kaashan lahaayeen xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu inay ka dhacdo Doorasho Madaxtinimo, iyadoo ammaanka Magalada uu yahay mid inta badan la adkeeyay.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.