Xiisado dagaal oo ka taagan Caabud-waaq, Galgaduud

maalik_som September 8, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Maalmo ka hor ayay aheyd markii degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada dega halkaasi kaasi oo ay ka dhasheen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. 

Duleedka degmada Caabud-waaq oo ay ku dagaaalameen labada Beelood ayaa maanta wararka laga helayo waxaa ay sheegayaan inay ka jiraan xiisado dagaal  oo mar kale kasoo cusboonaaday halkaasi sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen Waxgarad ku sugan halkaasi. 

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba dagaal mar kale ka dhaca halkaasi kaasi oo saameyn ku yeesha dadka deegaanka ah sida uu Shabelle u sheegay mid ka mid ah Odayaasha ku sugan  halkaasi, isagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalkaasi islamarkaana Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Caabud-waaq aysan raali ka noqon doonin dagaal ka dhaca halkaasi.

Goobta ay isku horfadhiyaan Maleeshiyo beeleedyadaani ayaa waxaa ku sugan Ahu Sunna Waljamaaca, iyadoo horey ugu guuleysatay inay kala dhex gasho Maleeshiyo Beeleedyada, inkastoo xiisadahaasi dagaal ay caqabad ku yihiin heshiiskii Ahlu Sunna.

Comments are closed.

Facebook

Twitter