Xawaaladda Dahabshiil oo Dayac tiraysa Isbitaal ku yaalla Muqdisho

maalik_som October 15, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)—Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ayaa maanta dhagax dhigtay Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho si loo dayactiro. 

Kaddib Munaasabad ka dhacday Isbitaalka Laansareeti ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa maanta halkaasi waxaa Dhagax dhigay Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil oo ka mid ah Shiradaha Xawaalaha kuwooda ugu fir fircoon ee ka howlgala Magaalada Muqdisho. 

Ugu horeyn Munaasabadda ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ee gobolka Banaadir Cabdullaahi Nuure Ow-diini kaasi oo sheegay in Shirkadda ay dayac tiri ku sameyn doonto Isbitaalka Laansareeti oo uu burbur xooggani kasoo gaaray dagaaladii ka dhacay Soomaaliya mudadii 20-ka sano aheyd.

 Guddoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Howlaha nuucaani oo kale ah loo baahan yahay inay noqdaan kuwa isdaba joog ah si maalgashi loogu sameysto dalka sida uu hadalka u dhigay. 

Shirkadda Dahabshiil ayaa waxa ay ka mid tahay Shirkadaha ka howlgala dalka Soomaaliya kuwooda ugu kalsoonida badan, iyadoo ay xusid mudan tahay inay deeqo kala duwan ay gaarsiisay dad ku dhibaateysnaa Magaalada Muqisho iyo gobolada dalka.

Halkan Ka Daawo Sawirrada

Comments are closed.

Facebook

Twitter