Muqdisho: (Sh.M.Network) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu kusoo magacaabay karti iyo aqoon.
Prof. Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ka hadlayay Munaasabad uu shalay ku magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu kusoo xulay la tashi uu la sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo aqoon sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub ay horyaallaan waxyaabo badan islamarkaana looga fadhiyo in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo hanan karta ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoo dhankiisa ballan qaaday in uu la shaqeyn doono.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud uu Ra’iisul wasaaraha dalka uu u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo ay xusid mudan tahay in waxyaabo badan ay horyaallaan oo ay ugu horeyso in wax laga qabto ammaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.























Comments are closed.