Xafladda Caleemo saarka oo lasoo gaba gabeeyay (Sawirro)

maalik_som September 16, 2012 Comments Off

Madaxda oo u istaagtay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Muqdisho: (Sh. M. Network) Munaasabaddaani oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay xilalka ku kala wareegayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xubno sare sare. 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailamariam, Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dalka Uganda Mosas Ali, Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dalka Turkiga, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Jean Ping, Wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta, Wakiilka Madaxweynaha dalka Sudan, Ergayga gaarka ah ee QM Mahiga, Guddoomiyaha Urur goboleedka IGAD, Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar iyo Diblumaasiyiin heer caalami ah ayaa maanta xaadir ku ahaa  Xafladdii lagu caleemo saarayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. 

Ugu horeyn Xafladda ayaa waxa furay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu sharfay in uu daaha ka rogo Munaasabadda kaasi oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu hiil iyo hoo uu la garab istaago Dowladda cusub oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia Hailamariam oo isna madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Ethiopia aysan Ciidamadeeda ka bixi doonin dalka Soomaaliya illaa dowladda cusub ay cagaheeda ku istaagto. 

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ballaan qaad ka jeediyay Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dowladda Turkiga kaasi oo u hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed, kuna tilmaamay dad jecel in mar waliba dalka ay ka dhacaan isbadal Dimuqraadiyadeed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Qadar Khaalid Cadami oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay kala qeyb qaataan dib u dhiska dalka, isagoo intaasi raaciyay in goordhow dalka ay soo gaarsiinayaan Kaalmooyin bini’aadannimo. 

Madaxweynihii Dowladda KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in intii uu hayay xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya in dalka uu ka saaray Al-qaacidda iyo Al Shabaab, taasi oo uu tilmaamay inay keentay in dalka uu soo gaaro meesha haatan uu joogo. 

Gaba gabadii Munaasabaddaasi ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud ayaa ugu horeyn u mahaceliyay Wafuuddii heerka Caalami ah aheyd ee kasoo qeyb gashay Caleemo saarkiisa, isagoo xusay in uu ku faraxsan yahay in dalka uu ka dhaco isbadal siyaasadeed.

Halkan Ka Daawo Sawirrada Munaasabadda

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter