Xaflad lagu soo xirayay Tartan Aqooneedkii Shabelle oo ka dhacday Muqdisho

maalik_som October 13, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Munaasbad lagu soo xirayay Tartan Aqooneedkii Idaacadda Shabelle ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta Shabakadda Warbaahinta Shabelle. 

Munaasabaddaani oo aheyd mid ballaaran islamarkaana lagu soo gaba gabeynayay Barnaamijka Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo ay iska kaashadeen Shirkadda Isgaarsiinta Caalamiga ah ee HORMUUD Telcom ayaa maalinta shalay aheyd waxa ay ka dhacday Xarunta Shabakadda Warbaahinta Shabelle. 

Munaasbadda ayaa waxa kasoo qeyb galay, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqooyahanno, Waxgarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay Munaasabadda.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxa qeyb ka ahaa Kooxda IFTIN oo shalay Xarunta Shabelle kusoo bandhigtay Heesooyin aad u macaan oo lagu amaanayay Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD iyo waliba Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo gacan weyn ka gaysatay in Degmooyinka gobolka Banaadir ay u qabtaan Tartan sare loogu qaadayo Aqoonta Bulsho weynta Soomaaliyeed. 

Ugu horeyn Xafladda oo ay xiriirinayeen Wariyeyaasha kala C/risaaq Aadan Qoslaaye iyo Farxiyo Siyaad Max’ud  ayaa waxa ay Makarafoonka ugu yeereen Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo ka mid ah Mas’uuliyiintii kasoo qeyb qashay Xafladda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa waxa uu ku dheeraaday ka hadalka Munaasabadda sida Heerka sare ah loo soo abaabulay, isagoo xusay in Tartanka Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay qabatay Shabelle, islamarkaana ay taabo galisay Shirkadda HORMUUD uu ahaa mid sare looga qaadayay Aqoonta Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in la’aantooda tartankaasi uusan marna qabsoomi laheyn. 

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka, kana mid ahaa Xildhibaanadii Dowladdii Kumeel-gaarka aheyd Max’ud Cabdullaahi Wehliye Waqaa ayaa waxa uu sheegay in Shirkadda HORMUUD ay tahay Shirkad wax badan u qabtay Shacabka Soomaaliyeed, isagoo Madaxda Dowladda, sida Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo Guddoomiyaha barlamanka ka codsaday in Shirkadda HORMUUD loo aqoonsado Shirkad Qaran, wuxuuna tilmaamay HORMUUD ay tahay Shirkadda ugu baaxadda weyn Soomaaliya iyo waliba Afrika.

” Shirkadda HORMUUD marar badan ayaan Caalamka ka codsanay in loo aqoon sado Shirkadda ugu facaweyn Afrika, waayo waxay sameysay waxyaabo badan, waxaan ognahay in Dad badan oo Soomaaliyeed oo dhibaateysan ay gar-gaartay, Maamulkeeda sharafta leh waxaan ugu baaqayaa inay sii dar dar galliyaan Dadaalkooda, waana ku amaaneynaa Shirkadda Howsha ay u heyso Bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu dhinaca kale sheegay in Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay tahay Shabakad soo martay marxalado kala duwan islamarkaana mar waliba u taagan in shacabka Soomaaliyeed ay ka haqabtirto baahida Wararka, isagoo carabka ku dhuftay in Shabelle ay tahay Idaacad dhex dhexaad ah oo aan cidna la jirin, una adeegta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa Munaasabadda ka hadlay Cali Sheekh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ka mid ah Howlwadeennada Shirkadda HORMUUD kaasi oo sheegay in HORMUUD mar waliba ay u taagan tahay wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna u mahadceliyay degmooyinkii dhamaan ka qeyb galay Tartanka Aqooneedka Idaacadda Shabelle. 

Mas’uuliyiinta ka socotay Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD ayaa waxa ay Lacag dhan 60-Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah guddoonsiiyeen Degmada Hodan oo ku guuleysatay Tartan Aqooneedka Shabelle, halka 30-Malyan la siiyay degmada Kaalinta labaad ka gashay Tartanka ee Yaaqshid, iyadoo 15-Milyan la guddoonsiiyay degmada C/casiis oo gashay Kaallinta Seddexaad.

Waxa Xusid mudan in Sidoo kale Shahaadooyin Sharaf la guddoonsiiyay qaar ka mid ah Abwaantiinta Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa Tartan Aqooneedka Shabelle iyo Laashinada Wakiilka u ahaa degmooyinka kuwaasi oo amaan kala dul dhacay Shabakadda Warbaahinta Shabelle iyo waliba Shirkadda Isgaarsiinta ee HORMUUD Telcom. 

Sidoo kale waxaa Fursad lasiiyay in Munaasabadda ay ka hadlaan qaar ka mid ah Marti sharaftii kale ee kasoo qeyb gashay, iyagoo amaanay Shabelle, waxaana ay tilmaameen in haddii aysan ahaan laheyn Idaacadda Shabelle iyo HORMUUD tartankaani uusan aqbsoomi laheyn Alle ka sokow islamarkaana aan laga faa ideyso laheyn. 

Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD Telcom iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa u taagan mar waliba wax u qabashada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, waxaana xusid mudan in HORMUUD iyo Shabelle lagu xusuusto soo tabintii Abaarihii ku dhuftay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. 

DAAWO SAWIRRADA MUNAASABADDA

 

 

Wariye C/risaaq Aadan Qoslaaye

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA INTII UU TARTANKA SOCDAY

  Sawir Qaade: Mucaawiye Axmed Muudeey

Edit By: Max’ed Max’ud Tuuryare

Comments are closed.

Facebook

Twitter