Xaaladda Tahriibayaashii dhaawacmay oo soo hagaageysa

maalik_som December 31, 2012 Comments Off

Tripoli(Sh.M.Network)—Sida uu ku soo waramayo wariyeheenna Max’ed Cabdi Naxar waxaa soo hagageysa xaaladda dadkii ku dhaawacmay shilkii gaari ee dhibaatada ba’an uu ka soo gaaray Tahriibayaasha Soomaalida ah.

Naxar oo xiriir la sameeyay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Cabdi qani Max’ed Waceys ayaa tilmaamay in 28 qof oo dhaawac qaba hadda ay ku jiraanXarumaha Caafimaadka dalkaasi waxaana uu sheegay In marka laga soo tago 3 ka mida inta kale ay xaaladdooda kaso reyneyso inkastoo Safiirkuu uu xusay in xittaa 3da qof ee xaaladdooda ay darantahay markii daryeel loo fidiyay ay soo kabsanayaan.

Wariye Max’ed Cabdi Naxar ayaa xusay in Goobaha Caafimaad ee dadkaan Soomaalida ah ay ku jiraan ay ku suganyihiin ciidamo kuwaasi oo aan samexeynin in lagalo goobahaasi laakin safaaradda suura gal ay tahay in ay faah faahin warbaahinta ka siiso markale sida xaaladdu ay tahay.

Safaraadda Soomaaliya ayaa dhawaan soo bandhigtay Magacyada iyo tirada ku dhimatay Shilkaasi Gaari ee saameenta xun ku reebay Tahriibayaashaasi Soomaalida ah

Comments are closed.

Facebook

Twitter