Xaaladda Kismaayo oo degan iyo Maleeshiyo gaaf wareegaysa Magaalada

maalik_som October 1, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)    Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa gudaha Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda ay ku sugan yihiin duleedka Magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa saakay soo sheegaya in Xaaladda Magaalada ay tahay mid degan, hase ahaatee dadka ay wali ka cabsi qabaan Maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed oo ku sugan gudaha Magaaladaasi.

“ Xaaladda saakay waa caadi laakiin wali cabsi ayaa jirta, waayo waxaa jooga gudaha Magaalada Maleeshiyaad hubaysan oo u abaabulan qaab beeleed” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah oo aan qadka Taleefonka kula xiriirnay.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan duleedka Kismaayo, waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay sheegeen in si xeeladeysan ay u galaan gudaha Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter