Kismaayo (Sh.M.Network) — Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa saakay lagu soo waramayaa inay tahay mid degan, iyadoo dhinaca kale ay socdaan howlgallo baaritaanno ah oo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ka wadaan gudaha Magaalada.
Dad deegaanka ah ayaa sheegay in saakay Xaaladdu ay tahay mid degan, hase ahaatee ay socdaan howlgallo ballaaran oo ay wadaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya oo ku baxay dhowr Xaafadood oo ku yaalla gudaha Magaaladaasi.
“Saakay ayaa kusoo kalahnay Ciidamo badan oo dhoobay Magaalada, dad badan ayay qab qabteen, laakiin Magaalada sideeda kale way iska degan tahay” ayuu yiri qof deegaanka ah.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa ballan qaaday xaqiijinta ammaanka Magaalada Kismaayo oo ay dhawaan kala wareegeen Kooxda Al Shabaab.
Lama oga halka ay ku dambeyn doonto Xaaladda Magaalada Kismaayo, maadaama Ciidamada huwanta ah ay si toos ah ugu sugan yihiin Xarumihii ugu muhiimsanaa magaaladaasi.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.