Xaaladda Kismaayo oo degan iyo Digniin ay jeediyeen Saraakiisha

maalik_som October 3, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)  Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa saakay lagu soo waramayaa inay tahay mid degan, iyadoo dhinaca kale Saraaakiisha Ciidanka dowladda ay sheegeen in Ciidamo aan aheyn kuwa Dowladda iyo Kenya aan lagu dhex arki karin gudaha Magaaladaasi. 

Aadan Axmed Xirse Rufle, Afhayeenka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo aan aheyn kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya aan lagu arki karin Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Kismaayo iyo kuwa  Kenya marna aan u dul qaadan doonin Maleeshiyaad hubaysan oo qeyb kaga sugnaada Magaaladaasi, taasi oo sida uu tibaaxay wax u dhimi karta ammaanka Magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay. 

Aadan Axmed Xirsi waxa uu intaasi raaciyay in Maleeshiyaadka ka amar qaata Axmed Madoobe ee qeyb kaga sugan Kismaayo laga dhigi doono Ciidamo Dowladeed, maadaama sida uu xusay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) uu qeyb ka ahaa dagaaladii looga soo horjeeday Al Shabaab, muddo badanna uu soo halgamay. 

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa qeyb ka Maamula Maleeshiyaad ka amar qaata Guddoomiyaha Ururka Raaskambooni Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe, kuwaasi oo aan la ogeyn sida ay ugu hoggaan sami doonaan ammarka kasoo baxay Saraakiisha Dowladda ee Jubbooyinka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter