Xaaladda goobihii xalay lagu dagaalamay oo degan, Muqdisho

maalik_som September 6, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Kaddib markii ay xalay dagaalo ka dhaceen Isgoyska Ex-kontorol Afgooye iyo Xaafadda Xoosh degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayaa saakay waxaa xaalado deganaan ah laga dareemayaa goobihii ay dagaaladu ka dhaceen. 

Axmed Cabdullaahi Axmed Yare oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Ex-Kontorol oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ka warbixiyay dagaaladii xalay Ciidamada Dowladda iyo kooxo hubaysan oo ka tirsan kuwa Al Shabaab ku dhexmaray Isgoyska Ex-Kontorol iyo Xaafadaha kale ee Dharkeenlay, waxaana uu xusay in qasaaro badan ay gaarsiiyeen Kooxahaasi. 

Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid qorsheysan, hase ahaatee ay ka hortageen Ciidamada Dowladda, islamarkaana ay baacsadeen kooxihii weerarka kusoo qaaday sida uu hadalka u dhigay. 

Sidoo kale Sarkaalkaani ayaa waxaa uu intaasi ku daray in saakay Xaaladdu ay tahay mid degan islamarkaana Ciidamada Dowladda ay wadaan howlgallo baaritaanno ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka. 

Inta badan Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ayaa waxa ka dhaca dagaalo iyo qaraxyo qorsheysan oo mararka qaar lagu weeraro Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee howlgallada ka wada Sooamaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter