Kismaayo: (Sh. M. Network) Wararka saakay ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose oo ay shalay dagaal kula wareegeen Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Kenya ayaa haddana waxaa lasoo sheegayaa in deegaannadaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo iyo abaabulo dagaal oo ay wadaan dhinacyada isku haya gobolka Jubbada hoose.
Aadan Axmed Xersi Rufle oo ah Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee gobolka Jubbada hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii shalay uu ka dhacay degaannada Birta-dheer iyo Janay-Cabdalla, islamarkaana ay ku dileen ku dhawaad 10-ruux oo ka tirsanaa dagaalyahannada Al Shabaab ah, ayna gubeen dhowr gaari oo ah kuwa dagaalka ah sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Jubbada hoose ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay Magaalada Kismaayo u dhow yihiin islamarkaana ay ku sugan yihiin deegaanno hoostaga Magaaladaasi, isagoo carabka ku dhuftay in saacadaha soo socda ay gacanta ku dhigi doonaan Magaalada Kismaayo oo la sheegayo in dadkii ku noolaa badankoodu ay isaga barakaceen.
Ciidamada Dowladda oo ay is garab sanayaan kuwa Kenya ayaa shalay dagaal ay qaadeen waxa ay kula wareegeen deegaanno hor leh oo hoostaga Magaalada Kismaayo oo xaaaladeeeda aan cago badan ku taagneyn.























Comments are closed.