Goof-gaduud: (Sh.M.Network) — Wararka ka imaanaya deegaanka Goof-gaduud ee duleedka Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladdeedu ay tahay mid degan kaddib markii shalay gallinkii dambe halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.
Kornel Mahad C/raxmaan, Taliyaha Ciidamada gobolka Bay oo u waramay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii shalay dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab ay kaga dileen hal dagaalyahan, halka dhinacoodu uu qirtay in dagaalka uu kaga dhaawacmay hal Askari sida uu hadalka u dhigay.
Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in dhinacyadii shalay gallinkii dambe halkaasi ku dagaalamay uu soo kala gaaray qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan la cadeyn karin tiradooda.
Inta badan deegaanka Guuf-gaduud ayaa waxa ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab kuwaasi oo mararka qaar ay qasaaro kasoo gaaraan dad rayid ah.























Comments are closed.