Afgooye: (Sh.M.Network) — Waxaa saakay xaalad deganaansho oo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay shalay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al Shabaab, iyagoo dhinacyadaasina ay guulo kala sheegteen.
Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen Dadka deegaanka ah, waxaa saakay degan Xaaladda deegaanka Yaaq-bari-weyne iyo deegaanno kale oo ay shalay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab.
Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadoodu ay weerar ku qaadeen duleedka Garoonka Balli-doogle ee gobolka Sh/hoose, halkaasi oo uu tibaaxay inay qasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Abuu Muscab ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda weerarkaasi ay kaga dileen 11- Askar, halka 19-kalena ay ku dhaawaceen sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray in Gaadiid dagaal ay ka gubeen.
Jeneral Ibraahim Yaroow oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya ee gobolka Sh/hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay dhexda u galeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, halkaasina uu iska horimaad kooban ku dhexmaray Ciidamada Dowladda, isagoo xusay in iska horimaadkaasi ay ku dileen 11-dagaalyahanno oo ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana uu beeniyay in wax gaadiid ah ay ka gubeen Ciidamada Al Shabaab.
Majiro ilo ka madax banaan labada dhinaca oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheeganayaan., hase ahaatee Wararka saakay ka imaanaya deegaanka Yaaq-bari-weyne ee gobolka Sh/hoose oo ay shalay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab ay isku horfadhiyaan halkaasi, iyadoo laga cabsi qabo dagaal mar kale ka dhaca halkaasi.























Comments are closed.