Muqdisho-(Sh.M.Network)—Xilli shalay galinkii dambe iska hor’imaad udhexeeya kooxo kawada tirsan burcad badeeda Soomaalida uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Gawaan ee duleedka ka ah degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa wararkaa saakay laga helayo halkaasi ay sheegayaan in xaaladdu tahay mid degan islamarkaana ay socdaan dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka deegaankaasi oo waan waan lagu kala dhex dhigayo kooxahaasi Burcad badeeda.
Wararka qaar ee halkaasi laga helayo ayaa waxa ay sheegayaan in khasaarihii ka dhashay iska ho’imaadkaasi uu sii kordhayo inta la’ogyahayna waxaa ku dhimatay 3 qof 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantood ahaa kooxihii burcad badeeda ee iska hor’imaadku udhexeeyay.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo lahdalay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ka war bixiyay xaaladda Saakay deegaanka gawaan ee dirirtu ay ku dhexmartay kooxahaasi burcad badeeda isagoo tilmaamay in dhaawacyada intooda badan loo qaaday Magaalada Gaalkacyo isagoo dhinaca kalana tilmaamay in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo guud ahaan deegaanka.
Wararka ay heleyso Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamaya in odayaal iyo wax garad ka soo kala jeeda Maleeshiyaadka burcad badeeda ahi ee halkaasi ku dagaalamay ay ku bexeen deegaanka Gawaan si loo kala dhex galo kooxahaasi waxaana jirin illaa haatan wax warar oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo uu kaga hadlayo iska hor’imaadkaasi udhexeeyay kooxaha kawada tirsan Burcad badeeda .























Comments are closed.