Wiilal walaalo ah oo lagu dilay Huriwaa, Muqdisho

maalik_som August 30, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Kooxo  ku hubeysnaa Bastoolado ayaa shalay gallinkii dambe waxa ay ku dileen Boosteejada Gawaarida laga raaco ee Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir Labo Wii loo Walaalo ah.

Dilka labadaasi wiil ee Walaalaha ah ayaa waxaa fuliyay labo nin oo ku hubeysnaa Bastoolado, waxaana mid ka mid ah uu ahaa Arday wax ka barta Jaamacadda Simad halka midka kalena la sheegay in uu goordhaweyd ka yimid dalka dibaddiisa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudane ka tirsan barlamanka oo qaraabo la ah Wiilasha la dilay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa xaqiijiyay geerida labadaasi qofood ee walaalaha ah, isagoo ka codsaday Dowladda maadaama ay Maamusho Suuqa Xoolaha in daba gal ay ku sameyso Kooxihii ka dambeeyey dilkaasi islamarkaana ay cadaaladda horkeento.

Muqdisho waxaa ka dhaca dilal lasoo abaabulay oo loo geysto dad wax gal u ah bulshada iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyadoo aan la’ogeyn sida Dowladda ay ugu hortageyso Weerarada lasoo maleegay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter