Weriye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo geeriyooday

maalik_eng October 28, 2012 Comments Off

MUQDISHO (Sh.M.Network)—Alla ha u naxariistee waxaa Caawa Goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Weriye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo Todobaadkii tagay ay Kooxo Hubaysan ku dhaawaceen Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Wadajir.

Weriye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo Webmaster (Website Qore) iyo Barnaamij soo saare ka howlgala Idaacadda iyo TV-ga Shabelle tan iyo Sanadkii 2010, waxaana Caawa uu u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray dhinaca Caloosha ah oo ay Rasaas kaga dhacday Weerar 21-ka Bishan loogu geystay meel u dhow Guriga uu ku noolaa oo ku yaalla Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Tan iyo Axadii lasoo dhaacay waxa dhaawaciisa uu ku jiray Isbitalka Madina halkaasi oo Caawa Saacadu markii ay ahayd 8:15 P.M uu ku dhintay.

Maalmihii ugu danbeeyay Maamulka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxa uu dadaal ugu jiray sidii Dhaawaca Tuuryare loogu qaadi lahaa dalka dibadiisa sii loogu soo daaweeyo.

Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in Meydka Alla ha u naxariistee Weriye Maxamed Maxamuud Tuuryare lagu aaso Gudaha Magaalada Muqdisho.

Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun.

Comments are closed.

Facebook

Twitter