Laascaanood (Sh.M.Network)—Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Xaruunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi caawa lagu dilay Weriye Axmed Faarax Ilyes (Axmed sakin) oo ahaa Weriyihii Telveion-ka Universal ee ugu soo waramayay magaaladaasi.
Weriye lagu magacaabo Faysal Jaamaca oo ka tirsan Weriyaasha ka howgala magaalada ayaa noo xaqiijiyay in Kooxo hubaysan oo aan la garan ay toogteen Alla ha u naxriistee Weriye Axmed Faarax Ilyes (Axmed sakin) xilli uu ku sii jeeday Gurgiisa oo ku yaalla Bartamaha magaalada Lascaanood.
Dilka kadib Kooxahii dilka fuliyay ayaa la sheegay inay meesha isaga baxsadeen kahor inta aysan soo gaarin Ciidamada Somaliland ee maamulo magaaladaasi Laascaanood.
Lama oga sababta iyo Cidda ka danbaysa Dilka Alle ha u naxariistee Weriye Axmed Faarax Ilyes (Axmed sakin) oo ahaa Weriyihii Telveion-ka Universal ee fadhigiisu yahay magaalada London, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in Weriyaha la dilay uu maalamahan la kulmayay hanjabaado aan la ogeyn cidda u geysatay.
Xaaladda Magaalada ayaa lagu soo waramayaa inay kacsantahay Caawa,waxaana magaalada ka asocda howlgallo Ciidan oo ay samayanayaan Ciidamada Maamulka Somaliland,kuwaasi aan an l aogeyn ilaa hadda cidda lagu soo qabtay.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco www.Shabelle.net



















Comments are closed.