Weriye ka tirsan Idaacadda Shabelle oo dil ka badbaaday

maalik_eng October 21, 2012 Comments Off

MUQDISHO (Sh.M.Network)—Kooxo Bastoolado ku hubaysanaa ayaa Caawa fiidkii waxa ay magaalada Muqdisho ku dhaawacmeen Weriye Maxamed Maxamuud (Tuuryare) oo kamid ah howlwadeenada Idaacadda iyo TV-ga Shabelle.

Goobjoogiyaal ayaa u xaqiiyay Idaacadda Shabelle in Labo Nino o Bastoolado ku hubaysanaa ay ku ku dhaawaceen Weriye Maxamed Maxamuud (Tuuryare) xilli uu kasoo baxayay Masjid ku yaalla Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Wadajir Salaadii Maqrib kadib,waxaana ay Rasaasta kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa,waxaana la geeyay Isbitaalka Madiina.

Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in Weriye Tuuryare Xaaladiisu aysan Qatar ahayn,islamarkaana ay la tacaalayaan hadda Xaaladisa Caafimaad.

Lama oga sababta iyo cidda ka danbaysa dhaawaca Saxafiga, hase ahaatee weerarkan ayaa qeyb ka ah dilalka iyo dhaawacyada loo geesto weriyaasha ka howlgala Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter