Weerar Saraakiil Kenyan ah lagu dhaawacay oo ka dhacay Lokino

maalik_som October 17, 2012 Comments Off

Mombasa: (Sh.M.Network) — Kooxo hubaysan ayaa weerar gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku qaadeen gobol Lokoni dalka Kenya. 

Weerarkaani oo ahaa Bambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro ayaa waxaa Kooxo hubaysan ay ku qaadeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenya oo ku sugnaa Guri ku yaalla gobolka Likoni ee Koofuta Galbeed ee dalka Kenya halkaasi oo ay dhaawcyo halis ah ugu geysteen 10-Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska dalkaasi. 

Weerarka kaddib ayaa waxaa dagaal fool ka fool ah oo saacado qaatay uu  dhexmaray Ciidamada Booliska dalka Kenya iyo waliba Kooxihii weerarka qaaday, waxaana Booliska dalka Kenya la sheegay inay dileen labo ka mid ah burcaddii weerarka ku qaaday Saraakiisha Ciidamada dalkaasi. 

Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Lokoni ee dalka Kenya Aggrey Adoli oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa waxa xaqiijiyay Weerarka, wuxuuna tilmaamay in dagaalka ay kusoo qaadeen Kooxo burcad ah oo xiriir la leh Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay. 

Booliska Kenya ayaa hareerayay goobtii uu weerarka ka dhacay, waxaana howlgallo ay sameeyeen ay kusoo qab qabteen Bambaanooyin, Rasaas iyo qoryaha fud fudud oo ay Saraakiisha dalkaasi sheegeen inay lahaayeen Kooxihii weerarka soo qaaday. 

Ciidamada Kenya kuma ekaan weerarkaasi oo kaliya, hase ahaatee mar kale ayaa wax ay qaadeen howlgallo ballaaran oo lagu dilay illaa 3-ruux oo ay sheegeen inay xiriir la lahaayeen Xarakada Al Shabaab. 

Dhalinyarada Muslimiinta dalka Kenya ayaa iska fogeeyay inay ku lug leeyihiin Weerarka lagu qaaday Ciidamada Booliska dalka Kenya, iyadoo aan jirin illaa iyo iminka cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaasi. 

Weerarkaani maanta ka dhacay Kenya  ayaa ka mid noqonaya kuwa inta badan ka dhaca dalkaasi tan iyo markii Ciidamada dalkaasi ay gudaha usoo galeen Soomaaliya sanddii lasoo dhaafay, ayna kula dagaalameen Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter