Marko (Sh.M.Network)—Wararka ka imaanaya Gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in weerar lagu qaadey Wafdiga Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdi Kariim Xuseen Guuleed iyo xubno wasiiro kale oo la socdey iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Ciidamo Sida la sheegey ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa weerar ku soo qaadey Wafdiga xili ay marayeen Degmada Shalambood iyo deegaanka buufow ee Gobolka Sh.Hoose.
Wafdigaan igu jira wasiirada ayaa waxa ay ka imaadeen Magaalada Marka ee Xarunta gobolka sh.hoose ayagoona ku soo jeedey Magaalada Muqdisho.
Ka hor inta uusan dhicin weeraraka Foolka Foolka ah ayaa la sheegey in ay miino ay qabsatey Gaari uu leeyahay Taliyaha Ciidanka boliiska Soomaaiya oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan ilaaladiisa waxaana la sheegey in ay ka soo gaartey ciidankii saarnaa qasaaro 10 dhimasho iyo tiro dhaawac intaas ka badan dhaawac.
Wali ma cada qasaaraha saxda ah ee soo gaarey Ciidankii ka tirsanaa Alshabaab ee weerarka ku soo qaadey Wafdiga dowladda Soomaaliya ee isugu jirey Wasiiro iyo saraakiil Ciidan.























Comments are closed.