Muqdisho-(Sh.M.Network)—Dagaalkani oo udhexeeyay Ciidamada dowladda iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buufow ee duleedka ka ah deegaanka Shalanbood ee Gobolka Sh/hoose.
Sida dad Goob joogayaal ah ay uxaqiijiyeen Idaacadda Shabelle dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii labo gaari oo kuwa dagaalka ah oo ciidamada dowladda ay wateen kana yimid Magaalada Marka islamarkaana ku sii jeeday deegaanka lambar konton ay wadada ugaleen Koox ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Rasaas ubadan baasuukayaal iyo boobayaasha Fudud ayey isweedaarsadeen labada dhinac iyadoo illaa 3 qof oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaasi kuwa kalana ay ku dhaawacmeen waaxana goob joogayaaasha la hadlay Idaacadda Shabelle ay sheegeen in gaadiidka dagaalka ee ay wateen ciidanka Nabad sugida ee dowladda ay dib ugu noqdeen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose halkaasi oo markii hore ay ka yimaadeen.
Deegaanada Gobolka Sh/hoose ee dhawaan lagala wareegay Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ka dhacayay weeraro gaadmo ah oo ay soo qaadayeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab kuwaasi oo khasaaro xoogan ay ka dhashaan iyadoo Saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhowr jeer ku celceliyeen in ay wax ka qaban doonaan falalkaasi amni xumi.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.