Baladweyn(Sh.M.Network)—Weerarka oo ahaa bambaanada Nuuca Gacanta Laga tuuro ayaa waxaa lagu weeraray Saldhig Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Max’uud Nuur Caga Joof oo ah Afhayeenka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in weerarkaasi ay Geesteen Kooxa uu ku tilmaamay Nabadiid oo ku sugan Gobolkaasi isagoo Meesha ka saaray in jiraan Khasaaro ka dhashay qaraxaasi bambaano.
Wararka ayaa waxa ay tilmaamayaan in Maanta Howl gallo ballaaran laga Dareemayo Magaalada Balad Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaasi oo Ciidanku baadi goob ay ugu Jiraan Dadkii ka dambeeyay Qaraxaasi.
Qaraxaani ayaa ku so aadaya xilli Maalmihii dambe Ciidamada dowladda ay ka wadeen Gudaha Magaaladaasi Balad Weyne Howl gallo ballaaran oo lagu Xaqiijinayo ammaanka Guud ahaan Gobolkaasi gaar ahaan Magaalada Balad Weyne.























Comments are closed.