Weerar ay Askar ku dhinteen oo ka dhacay Duleedka Degmada Afgooye

maalik_som March 5, 2013 Comments Off

Afgooye   (Sh.M.Network)—Dagaalyahanno Ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar ku qaadeen bar Kontorol oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaan Lagu Magacaabo Tisxiile ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose halkaasi oo Gaadiidka dadweynaha Lacago looga qaadi jiray.

Sida dad Deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ku dhawaad 7 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda ayaa ku geeriyootay weerarkaasi iyo Kooxo ka tirsan Kooxihii weerarka soo qaaday.

Mahdi Axmed Xasan Guddoomiye Ku xigeenka Dhinaca Ammaanka iyo Siyaasadda Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ee dowladda Soomaaliya oo lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa isagoo faah faahin ka bixinaya weerarkaasi  waxa uu sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen dagaalyahanno uu tiradooda ku sheegay illaa 30 kuwaasi oo uu tibaaxay in jab ay kala kulmeen baraha ciidan ay weerareen.

“ Gaari Hoomey ah ayaan kala harnay Afar dagaalyahanna waan ka dilnay saanad hub ah weey ka carareen” sidaasi waxaa yiri Mahdi Axmed Xasan guddoomiye Ku xigeenka Dhanka Ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Afgooye ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka laga helayo isla degmadaasi Afgooye ayaa ku soo waramaya in gudaha degmadaasi maanta uu ka dhacay kulan looga hadlayay Ammaanka Degmadaasi oo ay ka soo qayb galeen Saraakiisha Iyo Masuuliyiinta Degmadaasi

Dagaalyahanno Ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar ku qaadeen bar Kontorol oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaan Lagu Magacaabo Tisxiile ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose halkaasi oo Gaadiidka dadweynaha Lacago looga qaadi jiray.

Sida dad Deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ku dhawaad 7 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda ayaa ku geeriyootay weerarkaasi iyo Kooxo ka tirsan Kooxihii weerarka soo qaaday.

Mahdi Axmed Xasan Guddoomiye Ku xigeenka Dhinaca Ammaanka iyo Siyaasadda Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ee dowladda Soomaaliya oo lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa isagoo faah faahin ka bixinaya weerarkaasi  waxa uu sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen dagaalyahanno uu tiradooda ku sheegay illaa 30 kuwaasi oo uu tibaaxay in jab ay kala kulmeen baraha ciidan ay weerareen.

“ Gaari Hoomey ah ayaan kala harnay Afar dagaalyahanna waan ka dilnay saanad hub ah weey ka carareen” sidaasi waxaa yiri Mahdi Axmed Xasan guddoomiye Ku xigeenka Dhanka Ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Afgooye ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka laga helayo isla degmadaasi Afgooye ayaa ku soo waramaya in gudaha degmadaasi maanta uu ka dhacay kulan looga hadlayay Ammaanka Degmadaasi oo ay ka soo qayb galeen Saraakiisha Iyo Masuuliyiinta Degmadaasi

Comments are closed.

Facebook

Twitter