Weerar ay askar Kenyan ah wax ku noqdeen oo ka dhacay G/Waqooyi Bari Kenya

maalik_som October 31, 2012 Comments Off

New York (Sh.M.Network)— Kooxo hubeysan ayaa weerar qasaaro geystay ku qaaday Ciidamo ka tirsan booliska dalka Kenya oo howlgallo ka sameeyanay gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. 

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor’imaad kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada booliska Kenya iyo kooxo hubeysan uu ka dhacay Magaaladaasi. 

Iska hor imaadka ayaa yimid kaddib markii kooxaha hubeysan ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada booliska oo howlo roondo ah ka sameynayay Xaafadaha Magaalada Gaarisi ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. 

Inta la’ogyahay iska hor’imaadkaasi waxa ku geeriyooday 1-Askari oo ka tirsanaa  Ciidamada booliska ee roondada ka sameynayay Magaaladaasi, halka Askari kalana uu dhaawa soo gaaray. 

Booliska ayaa ilaa haatan waxa ay ka wadaan Magaaladaasi Gaarisa howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay, waxana ay saraakiishu tilmaameen in ay ku raad joogan kooxii weerarka ku soo qaaday Ciidamada booliska ee ku sugan Magaaladaasi Gaarisa. 

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay weeraro, qaraxyo iy dhibaatooyin kale oo caqab ku ah Ammaanka kuwaasi oo xoogooda bilaawday markii ay ciidamada dalk Kenya soo galeen Soomaaliya mudo haatan laga joogo hal sano.

Comments are closed.

Facebook

Twitter