Waxgaradka soo dhaweeyay Ugaas ay yeeshaan Beesha Yabadhaale Ceyr

maalik_som August 22, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)    Kaddib markii shalay Beesha Yabadhaale Ceyr ay sheegeen inay sameysan doonaan Ugaas u gaar ah oo aan aheyn Ugaaska hadda jira ayaa waxaa arrintaasi soo dhaweeyay Odayaal, Waxgarad iyo Aqoonyahano  kasoo jeeda Beesha Yabadhaale Ceyr.

Nabadoon Sheekh Max’ud Cali Baare oo la  hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay kaddib kullan ay yeesheen Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Yabadhaale Ceyr ay taageereen  inay sameystaan Ugaas U gaar ah, maadaama ay soo bateen dhaliillada iyo waxqabad la’aanta lagu eedeeyay Ugaaska Beesha oo ay sheegeen in uu ka gaabiyay wax u qabsahada Beesa Yabadhaale Ceyr sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa waxa uu sheegay in arrintaani ay ka dambeysay kaddib markii sababay musuq maasuq uu sheegay in lagu sameeyo Xubnihii ay ku lahaayeen Beesha Ceyr, sidaasi darteedna ay go’aan sadeen inay sameystaan Ugaas u gaara ah.

Shalay ayay aheyd markii Beesha Yabdhaale Ceyr ay sheegtay inay sameysan doonaan Ugaas u gaar ah iyagu oo ka taliya Aayaha iyo Masiirka Beesha, maadaama Ugaaska hadda jira uu ka gaabiyay wax u qabsahada Beesha Yabadhaale Ceyr.

Comments are closed.

Facebook

Twitter