Waxgaradka Puntland oo soo dhaweyey Ugaaska Yabadhaale Ceyr

maalik_som September 25, 2012 Comments Off

Garoowe: (Sh.M.Network)   Kaddib markii Jufada Yabadhaale Ceyr ay Caleemo saaratay Ugaaska Beeshaasi ayaa waxa arrintaasi soo dhaweeyay Waxgaradka ku dhaqan Maamulka Puntland. 

Abwaan Cabdi Xasan Muuse oo ka mid ah warxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Reer Puntland Cuqaashooda iyo Waxgaradkooda ay soo dhaweynayaan Ugaaska shalay la caleemo saaray. 

Abwaanka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Ugaaska cusub uu la jaan qaadi doono Marxaladda cusub oo uu hadda dalka galay, maadaama laga gudbaday Marxaladdii Kumeel gaarka ah aheyd islamarkaana bulshada dhexdeeda uu wax ka badali doono. 

Ugaas Axmed Ugaas Cabdulle Faarax oo ah Ugaaska ay shalay Caleemo saaratay Beesha Yabadhaale Ceyr oo ka hadlay Madasha lagu Caleemo saaray ayaa waxa uu sheegay in uu isu keeni doono guud ahaan Ugaasyada Soomaaliyeed, Dhalinyarada iyo Haweenka Soomaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter